
Tababar Basic Surgical Skills
𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐥𝐢𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 ee Jaamacadda ayaa u sameeyey 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚 𝟒-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐚 𝐂𝐥𝐢𝐧𝐢𝐜𝐚𝐥-𝐤𝐚 ee qaadanaya maadada Surgery-ga tababar ku saabsan 𝐁𝐚𝐬𝐢𝐜 𝐒𝐮𝐫𝐠𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐒𝐤𝐢𝐥𝐥𝐬. Tababarkan ayaa si gaar ah diiradda u saaray farsamooyinka asaasiga ah ee qalliinka kuwaas oo muhiim u ah xirfadaha caafimaad ee ardayda Kulliyadda.
Ardayda ayaa fursad u helay inay si toos ah u qaataan casharro iyo tababarro ku saabsan farsamooyinka qalliin ee casriga ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
• 𝐇𝐚𝐧𝐝𝐰𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠
• 𝐒𝐭𝐞𝐫𝐢𝐥𝐢𝐳𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐚𝐧𝐝 𝐃𝐢𝐬𝐢𝐧𝐟𝐞𝐜𝐭𝐢𝐨𝐧
• 𝐒𝐮𝐫𝐠𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐊𝐧𝐨𝐭𝐭𝐢𝐧𝐠 𝐚𝐧𝐝 𝐒𝐮𝐭𝐮𝐫𝐢𝐧𝐠
• 𝐁𝐚𝐬𝐢𝐜 𝐈𝐧𝐬𝐭𝐫𝐮𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐇𝐚𝐧𝐝𝐥𝐢𝐧𝐠
• 𝐏𝐚𝐭𝐢𝐞𝐧𝐭 𝐏𝐨𝐬𝐢𝐭𝐢𝐨𝐧𝐢𝐧𝐠 𝐚𝐧𝐝 𝐃𝐫𝐚𝐩𝐢𝐧𝐠
Tababarkan waxaa bixiyey 𝐃𝐫. 𝐁𝐚𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐃𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝, Ku-xigeenka Hormuudka Kulliyadda, ahna Dhaqtar ku takhasusay Qalliimada Lafaha, oo si qoto dheer uga warbixiyey muhiimadda ay leedahay in xirfadlayaashu bartaan 𝐁𝐚𝐬𝐢𝐜 𝐒𝐮𝐫𝐠𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐒𝐤𝐢𝐥𝐥𝐬 si ay u noqdaan kuwo heer sare ah oo bulshada u adeega. Tababarkan ayaa la qaban doonaa isbuuci mar.
Waxaan u mahadcelineynaa 𝐃𝐫. 𝐁𝐚𝐬𝐡𝐢𝐫 iyo dhammaan macallimiinta ka qayb qaatay tababarkan muhiimka ah, waxaana rajeynaynaa in ardayda ay ku dabaqaan aqoontan iyo xirfadaha ay barteen mustaqbalkooda xirfadeed ee caafimaadka.















